Home Wararka Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Amniga, Bilicda iyo Barnaamijka Is-xilqaan

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Amniga, Bilicda iyo Barnaamijka Is-xilqaan

0

Muqdisho, Oktoobar 31 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey kulanka todobaad-laha ah ee Maamulka Gobolka ayaa faray Maamullada Degmooyinka dar-dargelinta Nadaafadda Caasimadda.

Kulanka Todobaadlaha ah ayaa waxaa sidoo kale lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo Maamulka Degmooyinka, iyadoo laga dhageystay Guddoomiyeyaasha warbixinno la xiriira Amniga.

Guddoomiye Ku-xigeennada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada, nadiifinta gooobihii uu biyaha dhigay Roobka iyo dib-u-casriyeynta Nalalka Caasimadda oo kuwii hore lagu badelayo nalal la jaan-qaadaya Caasimadaha Caalamka, iyadoo mashruucan wajigiisa koowaad uu ka socdo wadada Makkah Almukarama ilaa iyo Garoonka Aadan Cadde.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay iyadoo laga duulayo waajibaadka ka saaran ilaalinta nadaafadda deegaanka in la bilaabay qorshe dib loogu habeynta nidaamkii hore ee Nadaafadda Caasimadda, isla markaana ay si tijaabo ah muddo saddex bilood ah uga wada howlgeli doonaan saddexda degmo ee Shibis, Wadajir iyo Waaberi iyagoo iskaashanaya Maamulka iyo Shirkadda Qashinka ee ECCO, si xal maangal ah loogu helo caqabadaha hortaagan guul ka gaarista nadaafadda.

Sidoo kale,Shirka ayaa looga hadlay Barnaamijka is-xilqaan ee lagu dhisayo dalka, gaar ahaan howllaha ka soconaya Golaha Murtida iyo Madadaalada, Madbacadda Qaranka, Madxafka iyo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiye-xigeennada Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Howllaha Guud iyo Xog-hayaha Gobolka Banaadir.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Axmed-nur Maxamed
Madaxa Warfaafinta Xafiiska Guddoomiyaha G/Banaadir
E-mail: ahmed@bra.gov.so
E-mail: media@bra.gov.so
Facebook: https://www.facebook.com/MinisterYarisow/
Twitter: @engyarisow
Twitter: @MayorMogd

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Wararka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Musharax Siciid Deni “Puntland Isbadal dhab ah ayay u baahan-tahay, Ma’ahan meel loo soo shaqo tago, waa meel loo shaqeeyo”

Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo u taagan xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland doorasha…