Home Caafimaadka Baaritaanka cirbadda

Baaritaanka cirbadda

0

Baaritaanka cirbadda lagu qaado dheecaan ama cadadka jirkaa si loogu baaro shaybaarka. Qaabka dheecaan qaadista waxay leedahay noocyo kala duwan, kuwa ugu caansan waxa kamidan fine-needle aspiration iyo core needle biopsy. Cirbada waxaa loo isticmaali karaa in laga qaado unugyada ama dareerayaasha dareeraha muruqyada, lafaha iyo xubnaha kale, sida beerka ama sambabaha.

Sababta loo sameeyo
Dhakhtarkaagu wuxuu soo jeedin karaa in lagaa qaado baaritaankan ee cirbada dhecanka logu soqaado qeyb kamida unugyada jirkaga si uu u caawiyo baaritaanka xaalad caafimaad ama in la cadeeyo cudur ama xaalad caafimad daro. Cirbadan waxaa loo isticmaali karaa si loo qiimeeyo horumarka daaweynta.

Sambalka lagaa soo qaaday dhecaanka ama cadka ah ayaa ka caawin kara dhakhtarkaaga inuu ogaado waxa keena:

Cufnan ama barar. Cirbada ayaa laga yaabaa inay muujiso in bararka uu yahay cyst oo ah boog hoosaad, infekshan, nabar, buro ama kansar.
Infekshan. Soo qaadista dhecaanka ee cirbada ayaa ka caawin karta dhakhaatiirta inay go’aamiyaan jeermisyada keenaya xanuunka si daawooyinka ugu waxtarka badan loo isticmaalo.
Caabuqa. Sambalka cirbada laga soo qaaday ayaa laga yaabaa inay muujiso waxa keena caabuqa, iyo noocyada unugyada ay ku lug leeyihiin.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa in lagu marsiiyo tijaabooyin sawir leh, sida sawir-qaadista kombiyuutarada CT scan ama ultrasound, ka hor inta aan lagaa qaadin dhecaanka cirbada. Marmarka qaarkood waxaa la isticmaalaa baaritaanada inta lagu gudajiro habka dheecaanka looqaado ee loo yaqaan biopsy procedure si ay si sax ah u helaan meesha ay tahay in laga soo qaado dheecaanka ama cadka baaritanka lo rabo.
Halista habkaan
Cirbada biopsy ayaa halis yar u ah dhiigbaxa iyo caabuqa goobta cirbada laga geliyay. Xanuun yar oo fudud ayaa laga filan karaa ka dib marka la soo daayo dheecaanka laakiin inta badan waxaa lagu xakameynayaa xanuunka xanuun ba`biyaal ama daawooyinka dhakhtarku qoro.

Laxiriir dhakhtarkaaga haddii aad la kulanto:
Qandho
Xanuun ku yimaada meshii biopsy ga lagu sameeyay taas oo ka sii daraysa ama aan daawooyinka qaadanesid waxba ku tareyn
Barar dhinaca ama goobta biopsy ga
Dheecaan ka soo baxa mesha lagu sameyay biopsy
Dhiig bax aan ku joogsan cadaadiska ama faashada
Sida loo diyaariyo
Inta badan nidaamyada dheecaan baarista uma baahna wax diyaargarow ah.

Si kastaba ha noqotee, waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad joojiso qaadashada daawooyinka dhiigga-yareeya ama adkeya, sida dawada warfarin ama aspirin, maalmaha ka horeeya dheecaan ama cad ka-qaadistaada waxay ku xiran tahay hadba dhinaca ama qaybta jirkaaga ee la baari doono, dhakhtarkaagu wuxuu ku weydiin karaa inaadan wax cunin ama cabin ka hor intaan lagaa qaadin.

Diyaarinta suuxinta ama suuxinta guud
Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa inaad qaadatid daawooyinka xididada ama suuxinta guud ka hor inta aan laguugu sameyn biopsy ama dhecaan qaadis. Haddii ay tahay in la sameyo baritankan, dhakhtarkaagu wuxuu ku waydiin karaa inaadan waxba cunin ama cabin maalinta ka horeysa baritaankaaga. U sheeg dhakhtarkaaga wixii daawooyin ah ee aad qaadato, maadaama aad u baahantahay inaad joojiso qaadashada daawooyinka qaarkood kahor intaan lagu suuxin.

Ma awoodi doontid inaad ku soo noqotid si dhakhso ah haddii lagaa jarayo cad ama dheecanka lagaa qaado muddada suuxdinta guud. Iyada oo ay ku xirantahay shaqadaada, waxaad awoodi kartaa inaad ku soo noqotid shaqada 24 saacadood kadib. Kala hadal dhakhtarkaaga marka ay haboontahay in aad ku noqoto shaqada.

Samee qorshe ama weydiiso asxaabtaada iyo qoyska iney:
Guriga kuu kaxeeyaan
kula joogaan 24 saacadood
Kaa caawiyaan kaalmooyinka shaqooyinka guriga ah hal ama laba maalin
Waxa aad filan karto
Inta lagu jiro dheecaanka ama cadka lagaa soo qaaday
Kooxdaada daryeelka caafimaadka ayaa kuu sheegi doona habka u fudud oo dhakhtarku u sahlanaan karo meesha cirbada lagaa gelinaayo. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiisto inaad ku jiifato miiska. Xaaladaha qaarkood waxaa laga yaabaa in laguu maro hababka sawirada, sida baaritaanka CT scan ama ultrasound. Kuwani waxay u oggolaanayaan dhakhtarkaaga in uu arko aagga ama mesha bartilmaamsan oo uu qorsheenaayo habka ugu wanaagsan ee loo sii wadi karo. Nidaamyada sawir-qaadista ayaa mararka qaarkood la sameeyaa kahor inta aan lagu gelin cirbada qaadesa dheecanka ama inta lagu guda jiro qaadista cadka ama dheecaanka ee qaliinka. Nooca sawir qaadidaada waxay ku xirantahay qaabka iyo meesha jirkaaga lagu sameynaayo dhecaan baaris.

Kooxda daryeelka caafimaadkaaga ayaa nadiifin doona aagga ama meesha jirkaada cirbadda lagu gelinayo. Suuxinta waxaa laga yaabaa in lagu mudo maqaarka meesha la galinaayo cirbada. Xaaladaha qaarkood, waxaad heli doontaa dawoyinka xididada laga qaato ama daawooyin kale si laguugu dejiyo inta lagu jiro nidaamka. Marmarka qaarkood suuxinta guud ayaa loo isticmaalaa inta lagu jiro cirbad gelinta. Haddii ay taasi dhacdo, waxaad heli doontaa daawooyin lagaa siindono xididka ku yaal gacantaada oo ku nasin doona ama ku hurdisiin dona.

Inta lagu jiro cirbadda gelinta, dhakhtarku wuxuu ku hagaa cirbad xagga maqaarkaaga iyo meesha dhecaanka laga soo qaadayo. Tusaale ahan unugyada ayaa la uruuriyaa cirbadana waa la soo celiyaa. Nidaamkan waxaa laga yaabaa in lagu celceliyo dhowr jeer illaa inta unugyo ku filan la ururinaayo.

Noocyada caadiga ah ee farsamooyinka dheecaanka laga soqaado ama lagu jaro waxaa ka mid ah:

Fine-needle aspiration. Nooca kani waa cirbad yar ee la isticmaalo waxay isticmaashaa cirbad khafiif ah, si unugyada jirka loogu soo qaado.
Core needle biopsy. Nooca cirbadan ayaa ka balaaran Fine-needle aspiration. Cirbada la isticmaalo inta lagu jiro qaadista dheecaanka waa tuubo oo u oggolaanaysa dhakhtarka in uu soo saaro dheecaan ama cadka si loo baaro.
Waxaa laga yaabaa inaad dareentid xanuun khafiif ah mudada cirbada lagu galinaayo, sida cadaadis mesha la qalay. U sheeg kooxdaada daryeelka caafimaadka haddii aad dareentid xanun ama raaxo la’aan.
Ka dib marka laga soo saaro cirbada
Marka dhakhtarkaaga uu soo uruuriyo unugyo ku filan si loo baaro, habka dheecaan ama cadka qaadista ayaa intaas ku ekandonto. Sambalka baayobsigaaga waxaa loo diraa shaybaar si loo baaro. Natiijooyinka waxaa laga yaabaa in la heli karo maalmo yar kadib inkastoo baaritaanno badan oo farsamo ay u baahan karaan waqti dheeraad ah. Weydii dhakhtarkaaga intaad sugi kartid jawaabta.

Kooxahaaga daryeelka caafimaadka ayaa laga yaabaa in ay ku daboolaan faashad meesha ama aagga cirbada laga geliyay. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad cadaadis saarto faashadda dhowr daqiiqo si loo hubiyo in uu jiro dhiigbax yar.

Xaaladaha badankood, waad bixi kartaa marka qaliinka cirbada laguu dhameeyo. Haddii aad ka bixi karto isla markiiba ama haddii aad u baahan tahay inaad sii joogto si loola socdo xaalkaga waxay ku xiran tahay qaabka ama qaybta jirkaaga oo lagaa jaray. Xaaladaha qaarkood, kooxda daryeelka caafimaadka ayaa laga yaabaa inay rabaan inaad joogto saacado yar si loo hubiyo inaadan wax dhib ah ka qabin cad kagoyntaada. Haddii aad heshay daawada suuxinta ee xididka ama suuxinta guud, waxaa laguu qaadi doonaa meel aad ku nasato inta daawadu kaa baxeyso.

Qorsheyso inaad u qaadato si sahlan inta kale ee maalintaada. Ka ilaali aagga meesha lagu sameyay qalliinka adigoo haysta faashada ilaa inta lagu faray. Waxaa laga yaabaa inaad ka dareentid xanuun yar aagga meeshii dhecaanka laga qaaday laakiin tani waa inay xalismato maalin ama laba kadib.

Natiijooyinka
Dhakhaatiirta ku takhasusay barashada unugyada iyo calaamadaha cudurka – waxay baran doonaan saamiga biopsy ee shaybaarka oo sameyn donaan baaritaan. Cilmi-baareyaasha waxay abuuraan warbixinta cudur-sidaha ee dhakhtarkaaga. Marka dhakhtarkaagu helo warbixinta, waxaa lagala xiriiri doonaa natiijooyinka.

Waxaad ka codsan kartaa qeyb ka mid ah warbixintaada cudurada ee dhakhtarkaaga. Warbixinnada cudur-sidaha waxaa badanaa lagu muujiyaa qaab farsamo, sidaa daraadeed waxaa laga yaabaa inaad ka faa’iideysato inaad dhakhtarkaaga dib u eegto warbixintisa.

Xogtaada xanuun ama pathology-ga waxaa ka mid noqon kara:
Tafaasiisha ama qexitaanada tijaabada biopsy. Qaybta warbixinta bukaanka, mararka qaarkood loo yaqaan sharaxaada guud, waxay qeexaysaa saamiga biopsy guud ahaan. Tusaale ahaan, waxay ku tilmaami kartaa midabka iyo joogtanimo unugyada ama dareeraha ay soo uruuriyaan habka cirbada lageliyay. Ama waxaa laga yaabaa in uu sheego inta saxda ah ee loo gudbiyay baaritanka shaybaarka.
Tilmaamaha unugyada. Qaybtan warbixinta raajada ayaa sharaxaysa sida unugyada ay uga muuqdaan mikroskoobka. Qaybtani waxaa ku jiri kara tirada unugyada iyo nooca unugyada la arkay. Macluumaadka ku saabsan hababka khaaska ah ee loo isticmaalo in lagu baaro unugyada si loo ururiyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ogaanshaha iyo daaweynta ugu fiican.
Baaritanka cudur sidaha. Qaybtan warbixinta ayaa ku qoran liiska baaritaanka cudur-sidaha. Waxaa kale oo ku jiri kara faalooyin, sida haddii baaritaano kale lagula talinaayo inaa sameeso.
Natiijooyinka ka soo qaadista dhecaanada ama cadka ayaa go’aamin doona talaabooyinka xiga ee daryeelkaaga caafimaad. Kala hadal dhakhtarkaaga wixii ku saabsan natiijooyinkaaga macnahoodu wuxu yahay.

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Caafimaadka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay

(Muqdisho, Oktobar 18, 2018) Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay…